291 Views

Wariiska kalluumaysiga XFS oo qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya

Wariiska kalluumaysiga XFS oo qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya
____________________________________________________________________________

khamiis:SEPTEMBER 22, 2022

Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Ahmed Xasan Aaden ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Shiinaha ee Soomaaliya mudane FEI Shengchao.

Wasiirka iyo danjiraha ayaa ka wahadalay xoojinta kaalinta kaga aadan wasaaradda iskaashiga faa’iido wadaagga ah ee ka dhaxeeya labada, abuuridda jawi wadanasheyneyd oo cusub iyo in la iska kaashado sidii looga hortagi lahaa kalluumeysiga sharci daradda ah ee ay dowladaha shisheeye ka sameeyaan badda Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda mudane Ahmed Xasan Aaden ayaa u sheegay danjiraha in ka wasaarad ahaan ay ka shaqeynayaan in ka hortag xoogan lagu sameeyo kalluumeysiga sharci daradda ah loona baahan yahay in safaaraddu ay kaalinteeda qaadato maadaama shirkaddaha ugu badan ee sharci u haysta in ay ka kalluumeystaan badda Soomaaliya ay yihiin kuwo laga lee yahay dalkooda. isaga oo intaa ku daray in shati aan ka soo bixin wasaaradda ay u aqoonsan yihiin wax kama jiraan ciddii ku kalluumeysatana ay ku jirto liiska kuwa sharci daradda lagu eedeynayo.

Wasiirka iyo danjiraha ayaa sidoo kale isla gartay in la xoojiyo wada shaqeynta labada dhinac iyadoo lagu ballamay in ay dhacaan kulamo kale oo lagu dhameystirayo wadahal ka mira dhalka ah ee ay yeesheen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post