1293 Views

SAWIRO:-Maamulka G/Shabeellaha Hoose oo soo afjaray xiisad ka taagneyd Gobolkaas

SAWIRO:-Maamulka G/Shabeellaha Hoose oo soo afjaray xiisad ka taagneyd Gobolkaas
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 03, 2019 – Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ee uu hoggaamiyo Ibraahim Cali Aadan Najax ayaa ugu dambeyn soo afjaray kuna guuleystay dagaal u dhaxeeyey laba Maleeshiyo oo hal beel kasoo jeeda,kuwaas oo ku dagaalamay degmada Walaweyn ee Gobolkaasi Shabeellaha Hoose.

 

Kulamo maalmihii la soo dhaafay u socday Odayaasha Dhaqanka ay kasoo jeedaan Maleeshiyaadka dagaalamay ayaa ugu dambeyn leys kugu keenay maleeshiyadii dagaalantay,iyada oo heshiis buuxa la kala dhex-dhigay.

 

”Waxaan ku guulaysanay inaan dhameyno ciidamo hal beel ah oo ku dagaalamayay degmada walaweyn,Waxaan u mahad celinayaa maamulka degmada, odayaasha dhaqanka, hay’adaha amniga iyo horjoogayaasha labada ciidan kaalintii ay ka qaateen inay colaadaan dhamaato ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose.

 

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo uu horkacayay Xildhibaan Daahir Amiin Jeezow iyo waxgaradka maleeshiyaadka dagaalamay ayaa horay u bilaabay dhex dhexaadinta iyo dib u heshiisiinta maleeshiyada dagaalantay,isla markaana Maamulka Gobolka uu soo geba-gabeeyey.

 

Maleeshiyaadkii ku dagaalamey degmada Walaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo kasoo jeeda hal beel ayaa isku-heystay Bar koontorool oo ku taalla Galbeedka degmadaas,waxaana dagaal dhex maray ku geeriyooday ku dhowaad 10 Ruux.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment