969 Views

Duqa Muqdisho oo dib u furay waddo sababo amni u xirneyd

Duqa Muqdisho oo dib u furay waddo sababo amni u xirneyd
____________________________________________________________________________

Moqdisho,September 1, 2021 —Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa howla kormeer ah ku sameeyay dhismaha Wadada dheer ee degmada Deyniile oo meel wanaagsan mareysa.

Dhismaha wadadan oo muhiim u ah isku socodka Caasimadda iyo dalxiiska deegaanka ayaa mas’uuliyiinta waxa ay ku sameeyeen kormeer socod ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) waxa uu sheegay in Maamulkiisa ay ka go’an tahay isku tashi iyo in Caasimadda la hormariyo.

Dhanka kale Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Filish ayaa maanta dib u furay wadada kuliyada oo mudooyinkii lasoo dhaafay u xirneed sababa amni,

Bulshada Gobolka Banaadir ayaa horey uga codsatay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir sidii loogu furi lahaa wadadan oo isticmaalkeeda muhiim u ah isku socodka Magaalada Muqdisho.

Ugu danbeyn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale dib u furay goobaha Biya-mareenka ah oo ay dowlada hoose Xamar mudooyinkii u danbeysay ka waday howla dib u habeyn ah.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdish

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post