1188 Views

Guddiga doorashooyinka Midowga Musharixiinta oo go’aano soo saaray

Guddiga doorashooyinka Midowga Musharixiinta oo go’aano soo saaray
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 10, 2021Kulanka ay Galabta ku yeesheen Magaalada Muqdisho Guddiga badbaadada doorashooyinka qaran 2020-2021  ee Midowga Musharixiinta ayaa waxaa ay kasoo saareen Saddex qodob.

Guddiga ayaa soo dhaweeyay  Mawqifka Madexweynaha puntland saciid Cabdullahi Deni,Kan Madexweynaha Jubbaland Axmed maxamed islaam  iyo kan Gudoomiyaha aqalka sare oo ah in Shir Magaalada Muqdisho isugu yimaadaan Dawlada wakhtigeedii dhacay,dawladaha xubnaha ka ah dawlada dhexe,Midowga murashixiinta iyo ururada bulshada rayidka..

Shirkan oo lagu xalinayo si kama dambays ah sadexdii qodob ee la isku hayay oo kala ahaa.

1: Badalida xubnaha guddiga doorashooyinka oo ay kasoo horjesteen Midowga Musharixiinta.

Maaraynta iyo soo magacaabista xubnaha Guddiga doorashooyinka Somaliland.

Xalinta maamulka, maaraynta Amni iyo doorasho ee Gobolka Gedo.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post