1098 Views

Madaxweynaha Jubbaland oo Safiirka UK kala hadlay Arrimaha doorashoooyinka

Madaxweynaha Jubbaland oo Safiirka UK kala hadlay Arrimaha doorashoooyinka
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa aqalka martida ee Magaalada Kismaaho ku qaabilay Safiirka Dowladda UK ee Soomaaliya Kate Foster, iyo wafdi ay hogaaminayso oo Maanta halkaasi gaartay.

Kulanka ayaa lagaga hadlay xaalada abaaraha iyo saamaynta ay ku yeesheen dadka ku nool deegaanada qaar, waxaana war kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland lagu sheegay in Maamulka Jubaland uu bilihii lasoo dhaafay gurmad baaxad leh oo la xiriira abaaraha gaarsiisay dadka ay dhibaatadu gaartay.

Kulanka ayaa sidoo kale lagaga hadlay arimaha doorashooyinka golaha shacabka oo qaybo badan oo dalka kamid ah kasocda, waxaana Safiirka Dowladda UK ee Soomaaliya Kate Foster ay Madaxweynaha Jubbaland uga mahad celisay dadaalkiisa ku aadan shameystirka doorashooyinka.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa dhankiisa uga mahad celiyay Safiirada booqashada ay ugu timid, isaga oo ugu baaqay in dowladda Uk ay Jubbaland ka caawiso u gurmashada dadka ay abaartu saameeysay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post