1071 Views

hoggaamiyeyaasha mucaaradka Somaliland Cirro iyo Feysal Waraabe oo Codadkooda dhiibtay

hoggaamiyeyaasha mucaaradka Somaliland  Cirro iyo Feysal Waraabe oo Codadkooda dhiibtay
____________________________________________________________________________

May 31 2021

Somaliland waxaa saaka ka bilaabatay codeynta doorashada golaha wakiilada iyo kuwa deegaanka.

Dadweynaha ayaa saaka codkooda ka dhiibanayay xarumaha codbixinta oo gaaraya 2,709.

Waxaana kamid ah dadka codkooda dhiibtay hoggaamiyeyaasha mucaaradka Cabdiraxmaan Cirro iyo Feysal Cali Waraabe.

Sidoo kale waxaa codkiisa dhiibtay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Magaalada Hargeysa waxaa ilaa shalay gaaray madax badan oo ka kala socota dalal iyo ururro kala geddisan, si ay ula socdaan habka doorashada ay u dhacayso.

Magaalada Hargeysa waxaa ilaa shalay gaaray madax badan oo ka kala socota dalal iyo ururro kala geddisan, si ay ula socdaan habka doorashada ay u dhacayso.

Waxaana doorashadan isku diwaangeliyay 1,065, 847 qof.

Doorashadan ayaa noqoneysa tii toddobaad tan iyo markii Somaliland ay ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post