789 Views

Mid ka mid ah Golaha Wasiirada Puntland oo geeriyooday

Mid ka mid ah Golaha Wasiirada Puntland oo geeriyooday
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-15-2020–Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland ayaa sheegaya in Wasiir-udowlihii madaxtooyada Puntland Maxamed Xasan Ciise ee Xukuumadda hadda jirta uu goor dhow ku geeriyooday isbitaalka Garowe.

Xubnaha ka mid ah Golaha Wasiirada maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay geerida Wasiir Maxamed Xasan Ciise.

Wuxuu u geeriyooday neef-qabatin ama Naqaska oo ku xirmay, 3 saddex maalmood, ayuu xanuunsanaa, oo qandho, madax xanuun iyo Naqasku qabanayey.

Wararka qaar ayaa sheegaya in uu geeriyooday Cudurka Corona virus inkastoo wali aysan xaqiijin arintaasi laamaha Caafimaadka maamulka Puntland.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ______________________________________________________________.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post