567 Views

Dowlada Soomaaliya oo deeq Raashin ah u dirtay Gobolka Bakool

Dowlada Soomaaliya oo deeq Raashin ah u dirtay Gobolka Bakool
____________________________________________________________________________

Axad: July 24, 202

Diyaarad siday deeq raaashin oo ay Dowlada Federaalka Soomaaliya ugu talagashay dadkii kasoo barakacay weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ku qaadeen degaano ka tirsan gobolka Bakool ayaa saaka ka baxday Garoonka Diyaaradaha caalimagga ah ee Adan Cadde.

Deeqdaan oo isugu jirto Bur, bariis saliid iyo sokor ayaa ka mid aheeyn deeq ay dalka keneen dowladaha carbeed qaar kamid ah, waxaana amray in lagaarsiiyo dadka ay abaaruhu halakeeyeen sidoo kalana kasoo barakacay dagaalkii ay Al-Shabaab ka fuliyeen gobolka Bakool, Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre.

Dhanka kale Wafdi xildhibaanno ah oo ka tirsan labada Aqalka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa gaaray degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool ka dib markii uu dagaal ka dhacay magaalooyinka Yeed iyo Aato oo ka tirsan gobolkaas kuwaas oo sababay in dad badan ay halkaas ku barakacaan.

Aadan Maxamed Nuur Saransoor oo kamid ah xildhibaannada Ceelbarde tagay ayaa warbaahinta u sheegay inay doonayaan inay u kuur galaan xaaladda iyo sida gargaar lagu gaarsiin lahaa shacabka ka barakacay dagaalka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post