522 Views

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirka Nabadda, Horumarka iyo Dawladnimada Geeska Africa.

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirka Nabadda, Horumarka iyo Dawladnimada Geeska Africa.
____________________________________________________________________________


Isniin: June 20, 2022

Wafdigii ka socday Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dhawaan gaaray dalka Ethiopia ayaa si rasmi ah uga qayb galay Shirka Nabadda, Horumarka iyo Dawladnimada Soomaaliya, kaas oo lagu qabtay Hoteelka Sheraton ee caasimaadda Addis Ababa.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamuud Cabdi Xasan Pekos, Qunsulka ahna ku simaha safiirka Safaaradda JFS ee Ethiopia Mudane Cali Maxamed Xuseen iyo Agaasimaha waaxda Asia iyo Australia ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Suleymaan Koosaar ayaa shirkan ku metelaya Dawladda Soomaaliya.

Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah waxaa qaban-qaabadiisa iska kaashaday Dawladaha Ethiopia iyo China, waxaana lagu casumay dalalka Geeska Africa iyadoo looga arrinsanayo sidii loo dejin lahaa qorshe dhaxalgal ah oo lagu sii anba qaadi karo horumarka ka jira Geeska Africa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post