717 Views

Guddiga Farsamada ee Imtixaanka Shahaadiga oo kulan yeeshay

Guddiga Farsamada ee Imtixaanka Shahaadiga oo kulan yeeshay
____________________________________________________________________________


khamiis: March 3, 2022

Wasiir ku-xigeenka Wasaaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Nuuriya Aadan Ciise iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Cwqbbi Xasan, ayaa ka qayb-galay kulanka Guddiga farsamo ee Imtixaanka Sanad Dugsiyeedka, 2021- 2022, iyaga oo warbixin kooban oo ku saabsan Qorshe Howleedka Guddiga Imtixaanka iyo guud ahaan halka uu marayo u diyaar garowga Imtixaanka sanadkaan ka dhageystay, Gudoomiyaha guddiga imtixaanka, ahna Agaasimaha Xafiiska Imtixaanaadka Mudane Axmed Daahir Maxamed, asiga oo la wadaagay madaxda Wasaaradda hawlaha muhiimka ah ee u qabsoomay guddiga iyo arrimaha lagama maarmaanka u ah qabsoomida Imtixaanka 2022.

Guddiga Farsamada Imtixaanka Sanad Dugsiyeedka, 2021-22, oo yeeshay kulankoodii ugu horeeyay ayaa ansixiyay qorshe howleedka Imtixaanka Fasalka 12, aad, ee sanadka 2022. Sidaas oo kale waxay dib u eegis ku sameeyeen caqabadihii kasoo laabtay Imtixaanka Sanadkii hore iyo Filashada qaadista imtixaanka ee 2022.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post