1140 Views

Maxkamad ku taalla Jarmalka oo sarkaal horay uga tirsanaa sirdoonka Suuriya ku xukumay afar sano oo xarig ah.

Maxkamad ku taalla Jarmalka oo  sarkaal horay uga tirsanaa sirdoonka Suuriya ku xukumay afar sano oo xarig ah.
____________________________________________________________________________

..

February 24, /2/ 2021

Maxkamad ku taalla Jarmalka ayaa sarkaal horay uga tirsanaa sirdoonka Suuriya ku xukumay afar sano oo xarig ah.

Eyad al-Gharib, oo 44 sano jir ah ayaa lagu helay dambiyo la xiriira xad gudubka bini’aadannimada, dacwad oogayaasha ayaana ku doodayay in 2011-kii uu tacadiyo kula kacay dad bannaan baxayay.

Waa maxkamadeyntii ugu horreysay ee noocan oo kale ah oo ku saabsan gabood fallo la sheegay in uu gaystay Nidaamka Madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad.

Anwar Raslan, oo u dhashay Suuriya ahna 58 jir ayaa weli maxkamad ku socota.

Labadaba waxay ka soo qaxeen dagaallada sokeeye ee Suuriya, waxayna magangalyo ka heleen Jarmalka, laakiin waxaa la qabtay sanadkii 2019-kii.

Dacwad oogayaasha Jarmalka waxay u codeeyeen mabda’a “xukunka guud” si dadka gala dambiyada culus dacwada loogusoo oogo.

Intii ay socotay dacwadda, qareennada difaacayay waxay ku doodeen in labadan nin lagu qasbay inay gaystaan dambiyada lagu soo eedeeyay, iyagoo ka baqaayay ciqaab.

Hay’adda ay raggaasi u shaqeynayeen ayaa door muhiim ah ka ciyaartay caburinta mudaaharaadyadii nabadeed ee looga soo horjeeday taliska Madaxweyne Assad, oo Suuriya ka billowday sanadkii 2011-kii.

Maxkamadeynta qaar ka mid ah dadka reer Suuriya, oo bilaabatay Abriil 2020-kii, waxay fursad naadir ah u ahayd caddaalad u helidda bulsho aragtay xadgudubyo aan tiro lahayn.

Garyaqaanka u dooda arrimaha xuquuqda bini’aadamka, Anwar al-Bunni, ayaa isagoo jooga dalka Jarmalka, oo uu magangalyo ka dalbaday waxa uu BBC-da ku yidhi: “Maxkamadani waxay u taagan tahay tallaabadii ugu horeysay ee dhanka cadaalada ee dhibanayaasha Suuriya ay dareemeen runtii”.

Maxaa lagu eedeeyay?

Dacwad oogeyaasha waxay ku doodeen in labada nin ay isticmaaleen mashiin aad u weyn oo ay dadka ku jirdilayeen.

Eyad al-Gharib ayaa lagu soo eedeeyay inuu geeyay ugu yaraan 30 qof oo mudaaharaadayaal ah xabsi caan ah oo ku yaalla Dimishiq si loo jirdilo, 2011-kii, isagoo xilligaas u shaqeynayay hay’adda sirdoonka ee ugu awoodda badan Suuriya, General Directorate Directorate (GID).

Anwar Raslan ayaa isagana looga shakisan yahay inuu ku lug lahaa jirdilkii ugu yaraan 4,000 oo qof loo geystay sanadihii 2011-12. Waxaa lagu soo oogay 58 dambi oo dil ah iyo sidoo kale kufsi.

Waxaa lagu eedeeyay inuu ahaa sarkaal sare oo mas’uul ka ahaa xabsiga GID ee Al-Khatib, oo ah xabsi ku yaalla Dimishiq, oo loo yaqaanno “Jahannamada Dunida”. Haddii dambiga lagu helo, wuxuu wajahayaa xabsi daa’in.

Maxaa ka soo baxay maxkamadda?

Dacwad oogeyaashu waxay tallaabooyinka maamulka Suuriya ku sifeeyeen “Falalka naxariis darro ah oo isugu jira dil iyo jirdi”, sida ay sheegtay warbaahinta Jarmalka ee Deutsche Welle.

Maxkamadda gudaheeda, markhaatiyaasha waxay sharraxeen in lagu sameeyay garaacis iyo haraanti markay yimaadeen xabsiga Dimishiq. Waxay ka hadleen in la kufsaday oo saqafka laga soo laalaadiyay saacado badan iyo jirdil aad u xun.

Kiiska ayaa loo arkaa mid caddaalad siinaya dhibanayaasha jirdilka iyo waxyeellada ka soo gaartay Suuriya.

Mark Somos oo ka tirsan macadka Max Planck Institute ayaa BBC-da u sheegay in “go’aanka Arbacadii ka soo baxay maxkamadda uu gali doono buugaagta taariikhda.”

Xukuumadda Mr Assad ayaa si isdaba joog ah u beenisay eedeymaha loo soo jeediyay ee ah jirdil iyo in la laayay boqolaal kun oo dad ah.

Sidoo kale Jarmalka ayaa baaraya tobaneeyo saraakiil hore oo reer Suuriya ah oo lagu eedeeyay xasuuq.

BBC

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post