711 Views

Galmudug oo ka hadashay dagaalo ka dhacay degaannada Maamulkaas

Galmudug oo ka hadashay dagaalo ka dhacay degaannada Maamulkaas
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 06 2020—Maalmihii la soo dhaafay Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa weeraro ka gaysanayay degaanno ka mid ah maamul goboleedka Galmudug, gaar ahaan degaanka Shabeelow oo u dhow degmada Bacaadweyne.

Sidoo kale Maanta ayaa weerar kale waxaa ay ka dhaceen degaanka Cada-Kibir ee duleedka Magaalada Cadaado ee Gobolka Gaduud,waxaana ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab.

Wasiirka warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Galmudug ay Al-Shabaab ku dileen tobaneeyo ruux kuwo kalena ay dhaawaceen.

Waxaa uu sheegay in degaannada ay dagaalada ka dhaceen ay gaareen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya, iyaga boo garab siinaya dadka la dagaalamay Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post