744 Views

CC-Warsame oo kulan la qaatay dhalinyarada u dhaqdhaqaaqda gurmadka abaaraha

CC-Warsame oo kulan la qaatay dhalinyarada u dhaqdhaqaaqda gurmadka abaaraha
____________________________________________________________________________

Isniin:June 13, 2022

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la qaatay dhallinyaro u dhaqdhaqaaqda gurmadka abaaraha iyo maaraynta masiibooyinka dabiiciga ah.

Ergayga ayaa dhallinyarada ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah oo la xariira wayaa aragnimadooda ku aaddan xaaladda abaaraha iyo masiibooyinka dabiiciga ah.

Ergaygu wuxuu dhallinyarada uga mahadceliyay howlaha ay dadka danta yar u hayaan oo gurmadka abaaruhu ugu horreeyaan, wuxuuna ku boorriyay in ay dadaalkooda sii wadaan.

Ugu danbeyn, ergaygu wuxuu dhallinyarada ka codsaday in ay xoojiyaan wacyi-galinta bulshada ee ku aaddan marxaladda abaaraha, si loogu wada baraarugo khatarta abaarta.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post