861 Views

Duulimaadyadii Soomaaliya & Kenya oo dib u bilaawday

Duulimaadyadii Soomaaliya & Kenya oo dib u bilaawday
____________________________________________________________________________

Kadib markii muddo bil ah ay hakad kujireen duulimaadyada Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo sabab u ahaa khilaafka labada dowladood ayaa Maanta oo Axad ay ay dib u bilaawdeen duulimaadyada.


Tallaabadaan ayaa ka dambeeysay kadib markii dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ay soo celiyeen xiriirkii diplumaasiyadeed, isla markaana Kenya ay maalmo ka hor sheegtay inay fasaxday duulimaadyada labada dal oo ay horay u joojisay.
Qoraalo is xig xigay oo kasoo kala baxay

Wasaaradaha Arrimaha dibadda ee Soomaaliya & Kenya ayaa lagu sheegay inay soo celiyeen xiriirkooda, waxaana Warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda Soomaaliya lagu sheegay inay fureyso safaaradeeda Magaalada Nairobi.
Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa khilaafkooda uu muddo soo jiitamayay, waxaana dhowr jeer ay sababtay in midba midka kale uu xiriirka u jaray.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post