1899 Views

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Kenya

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Kenya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 28, 2018 –  Kulan gaar ah ayaa wuxuu magaaladda Nairobi ee xarunta dalka Kenya ku dhexmaray  Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Guddoomiyaha Aqalka senate-ka Kenya Senator Kennedy Lusaka.

Guddoomiye Cabdi Xaashi, ayaa dhiggiisa kaga mahad celiyay dowladda Kenya kaalmada iyo garab istaagga walaalahooda Soomaaliya gaar ahaan xilliyadii adkaa ee dalku ku jiray, waxaana labada gudddoomiye isla qaateen muhiimadda ay leedahay in labada Senate (Aqal) ay is waydaarsadaan khibradaha.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Hab-dhawraha Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya Senator Cabdikaafi Macallin Xasan, Xildhibaan (Kenya) Amina Geeddow  Xildhibaan Hore (Kenya) Aden Macalin Cabdullahi, , Eric Ogolo, Madaxda hab-maamuuska Senateka Kenya iyo  mas’uuliyiin kale.

Guddoomiye Senator Cabdi Xaashi, ayaa ku guddoonka iyo Aqalka Senate-ka Kenya u fidiyay casuumaad ayna booqasho ku yimaadaan Soomaaliya, arrintaas oo uu Aqbalay Guddoomiaha Aqalka Senate-ka Kenya Senator Kennedy Lusaka.

Waxaana lagu talo jiraa in dhowaan wafdi hordhac oo ka socda Aqalka Senate-ka Kenya uu soo gaaro Magaalada Muqdisho.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment