957 Views

Guddigii shalay la Magacaabey oo bilaabey Shaqadooda

Guddigii shalay la Magacaabey oo bilaabey Shaqadooda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Isniin  , March 2, , 2020 —Shalay qoraal kasoo baxay Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa lagu Magacabey guddi ka Shaqeeya diyaarinta xeerarka dhameystiraya sharciga doorashooyinka Qaranka.

 

Guddigaas oo ka kooban 17 Xubnood oo laga soo kala xulay Xildhibaannada labada Aqal ayaa waxaa ay hataan guda galeen Shqadii loo igmadey ee diyaarinta Xeerarka Sharciga doorashooyinka Qaranka.

 

 

 

Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo kamid ah Xildhibaannada Aqalka Sare kana tirsan Guddiga ayaa sheegay inay howshooda bilaabeen lagana sugayo xeerarka kala ah, Deegaameynta Kuraasta, Xeerka xaqiijinta Qoondada Haweenka, Xeerka Doorashada Xildhibaannada labada Aqal ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi (Soomaaliland) iyo Xeerka Xaquuqda matalaada gobolka Banaadir.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment