423 Views

Ciidamada Dowladda oo saakay xiray qaar ka mid ah wadooyinka Muqdisho

Ciidamada Dowladda oo saakay xiray qaar ka mid ah wadooyinka Muqdisho
____________________________________________________________________________


khamiis: February 17, 2022

Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa saakay xiray qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho.

Wadooyinka ay xireen ciidamada ayaa waxaa ka mid ah wadada soo gaasha taalada daljirka Daahsoon, isgosyaka Ceelgaabta iyo qaar kale.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay dadka shacabka ah u diidayaan in ay u gudbaan xaafadaha ka tirsan degmada Xamar Jajab.

Ujeedka loo xiray wadooyinka ayaa waxaa lagu sheegay in Maanta magaalada Muqdisho lagu dooran doono kuraas ka mid ah golaha shacabka ee ka imaanaya gobolada Waqooyi.

Arrintan ayaa ka imaanaysa xili dhawaan Isgoyska Ceelgaabta ee Muqdisho qof isku soo xoray waxyaabaha qarxaha uu isku qarxiyay gaari ay saarnaayeen ergada doorashooyinka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post