6993 Views

Tirada guud ee Xildhibaanada labada aqal ee maanta lagu dhaariyay

Tirada guud ee Xildhibaanada labada aqal ee maanta lagu dhaariyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | December 27, 2016  – Waxaa Magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay munaasabaddii dhaarinta ahayd ee Xildhibaanada Laba Aqal, ee barqanimadii maanta ka bilaabatay Dugsiga Tababarka Booliska (School Polizio) ee Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada Labada Aqal, ayaa intooda badan lagu dhaariyay Dugsiga General Kaahiye, iyadoona uu dhaariyay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Dalka, Ibraahim Iidle Saleebaan.

Xildhibaanada oo saf saf loo dhaarinaayay, ayaa lagu dhaariyay Qur’aanka Kariimka, waxaana uu mid kastaa ku dhaartay in uu u hogaansami doono shuruucda dalka u degsan.

Guddoomiyaha Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban, Garyaqaan Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhagey), ayaa ku dhawaaqay shahaadooyinka aqoonsiga in ay siiyeen 293 Xildhibaan, diyaarna ay u yihiin dhaarinta.

Garyaqaan Cumar Dhagey, ayaa cadeeyay in 250 Xildhibaan ay ka tirsan yihiin Aqalka Hoose, iyo 43 ka tirsan Aqalka Sare.

Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka uu waqtigiisu dhammaaday, xubina ka ah Aqalka Hoose, ayaa kulankan ku sheegay mid ka duwan kulamada kale ee Baarlamaanka. Jawaari wuxuu sheegay kulankan ay xilka kula wareegeen Xildhibaano ay shacabku soo doorteen, markii ugu horeysay muddo 47 sano ah.

Dhanka kale, munaasabadda dhaarinta, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka Turkiga ee Somaliya iyo Ku Xigeenka Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya. Wakiilada Beesha Caalamka ee ku sugan Magaalada Muqdisho, ayaan soo xaadirin munaasabadaasi.

Ugu dambeyn, Beesha Caalamka, ayaa maanta ka hortimid tallaabada ay Madaxda Madasha ku kordhiyeen tirada xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

.

Xigasho: Horumar Online

_________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment