1272 Views

SAWIRO:-Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo qaabilay Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

SAWIRO:-Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo qaabilay Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 19, 2019–Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa Maanta Magaalda Baydhabo waxa uu ku qaabilay Safiirka Dowlada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ben Fender.

 

Labada Mas’uul ayaa kulan gaar ah waxa ay ku wada yeesheen Xarunta Madaxtooyda Koonfur galbeed,iyaga oo ka hadlay arrimaha Siyaasda,Amniga iyo abaaro la sheegay inay deegaano ka tirsan gobolkaas ka jiraan.

 

 

Sidoo kale Safiirka Dowlada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ben Fender ayaa waxaa ay ka wada hadleen sidii dowladda Ingiriiska ay Maamulka Koonfur Galbeed uga caawin lahaayeen dhinacyo badan.

 

Safiirka Dowlada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ben Fender ayaa shalay tegay Magaalda Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose,isaga oo kulan gaar ah la soo qaatay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment