1179 Views

Feysal Cali Waraabe” Waa sharci darro xildhibaanadii heshiiska la galay xisbiga Kulmiye”

Feysal Cali Waraabe” Waa sharci darro xildhibaanadii heshiiska la galay xisbiga Kulmiye”
____________________________________________________________________________

Guddoomiyaha xibsiga mucaaradka ah ee UCID ee Somaliland, ayaa sheegay inuusan waxba ka jirin heshiis shalay magaalada Hargeysa ku dhexmaray xisbiga Kulmiye iyo qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha Wakiillada ee xisbiga UCID, taas oo ay isku afgarteen inay iska taageen doorashada guddoonka Golaha Wakiillada ee soo aaddan.
Faysal Cali Waraabe, ayaa waxa uu sheegay in xildhibaannada xisbigiisa ka tirsan ay hareer mareen xeerka iyo dastuurka xisbiga.

Waxa uu intaasi gudoomiye Faysal ku daray in gudoomiyaha oo kaliya uu xisbiga u gali karo heshiis, halka xildhibaannada heshiiska Kulmiye la galayna uu sheegay in cawaaqib adag la marsiin doono.
Shaley ayay aheyd markii uu heshiis dhexmaray xildhibaano ka socday xisbiga UCID iyo xisbiga Kulmiye.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post