921 Views

Ra’isul-Wasaarihii Dalka Armenia Oo Dib Loo Doortay

Ra’isul-Wasaarihii Dalka Armenia Oo Dib Loo Doortay
____________________________________________________________________________

Isniin: August 2, 2021

Nikol Pashinyan ayaa mar kale loo magacaabo Ra’isul-wasaaraha dalkaasi, kadib, markii ay soo sharxeen Xisbiga uu ka tirsan yahay ee CCP oo 71 xubnood ku leh Barlamaanka dalkaasi oo ka kooban 107 Xildhibaan.

Madaxweynaha dalkaasi, Armen Sarkissan waxa uu isagana saxiixay Amarka Fulinta ee magacaabistaasi.
Dib-u-doorashadda RW hore ee dalka Armenia ayaa timid, kadib, markii la qabtay Doorasho Degdeg ah, silooga hortago Bilooyin ay socdeen Dibadbaxyo lagu codsanayey inuu RW is-casilo.

Dibadbaxayaasha waxay ka soo horjeedeen Heshiiskii Nabadda ee RW Pahinyan saxiixay bishii November ee sanadkii hore, oo lagu soo af-jaray dagaalkii Ciiddamada Armenia iyo kuwa Azerbajaan ku dhex maray Gobalka Nagorno Karabakh.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post