918 Views

Nin u dhashay dalka Mareykanka oo noqday qofkii ugu horreeyay adduunka ee lagu tallaalay wadne uu leeyahay xayawaanka doofaarka

Nin u dhashay dalka Mareykanka oo  noqday qofkii ugu horreeyay adduunka ee lagu tallaalay wadne uu leeyahay xayawaanka doofaarka
____________________________________________________________________________



Talaado: January 11, 2022

Nin u dhashay dalka Mareykanka ayaa noqday qofkii ugu horreeyay adduunka ee lagu tallaalay wadne uu leeyahay xayawaanka doofaarka oo isbaddal dhinaca hiddaha ah lagu sameeyay.

Maxay tahay natiijada iyo mustaqbalka?

David Bennett, oo 57 jir ah ayay xaaladdiisu wanaagsan tahay saddex maalmood kaddib markii lagu sameeyay qalliinka tijaabada ah oo qaatay toddobo saacadood, sida ay dhakhaatiirtu sheegeen.

Ninkan ayaa qalliinka loogu sameeyay isbitaal ku yaalla magaalada Baltimore ee dalka Mareykanka.

Ku tallaalista wadnahan waxay ahayd rajadii ugu dambeysay ee laga qabay in lagu badbaadiyo nolosha Mr Bennett, inkastoo wali aysan kala caddeyn muddada uu kusii noolaan karo.

“Waxay ahayd ahayd dhimo ama ha lagugu tallaalo wadnahaas,” ayuu yiri Mr Bennett ee xaaladdaas ka sheekeynayay maalin ka hor qalliinka.

“Waan ogahay waa arrin aan la ogaan karin waxa ka dhalan kara, balse waxay ahayd fursaddeydii ugu dambeysay,” ayuu yiri.

Dhakhaatiirta Xarunta Caafimaadka ee Jaamacadda Maryland ayaa fasax khaas ah ka helay Waaxda Sharciyeynta Arrimaha Caafimaadka ee Mareykanka si ay qalliinkaas u fuliyaan, sababta loogu oggolaadayna waxay ahayd in haddii aan sidaas la sameynin uu Mr Bennett dhiman lahaa.

Waxaa horay loo sii ogaa in uusan ku badbaadi karin wadne bani’aadan, go’aas kaas oo ay dhakhaatiirtu ka gaaraan bukaannada ay xaaladdooda caafimaad aadka u liidato.

Kooxda dhakhaatiirta ah ee sameysay qalliinkan waxay ka miro dhaliyeen cilmi-baaris sannado socotay, taasoo ay ku tilmaameen mid isbaddal u horseedi karta nolosha guud ahaan dunida.

Bartley Griffith oo ah dhakhtar ku takhasusay qalliinnada ayaa sheegay in qalliinka noocan ah uu dunida kusoo kordhiyay “hal tallaabo oo loogu dhawaaday xallinta baahida badan ee ka jirta xubnaha la baddalo”, sida lagu xusay bayaan kasoo baxay qaybta caafimaadka ee Jaamacadda Maryland.

17 qof ayaa maalin kasta gudaha Mareykanka ku geeriyooda iyagoo sugaya inay helaan qalliin loogu baddalo xubno kale, haddana waxaa lagu soo warramayaa in tirada dadka sugaya ay gaareyso in ka badan 100,000 oo ruux.

Suurtagalnimada in xubnaha xayawaanka ay daboolaan baahida ceynkaas ah ayaa laga fakarayay muddo dheer, horayna waxaa loo adeegsaday xubnaha xayawaanka doofaarka.

Bishii October ee sanadkii 2021-kii, dhakhaatiirta ku takhasusay qalliinnada ee ku sugan magaalada New York ayaa shaaciyay in ay ku guuleysteen qalliin ay kellida doofaarka ugu rakibeen qof.

Xilligaas, qalliinkaas ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee ku saabsan in xunbaha xayawaanka loo geliyo bani’aadanka.

Hase yeeshee, qofka kellidaas loo geliyay waxa uu ahaa mid maskaxda ka dhintay oo aan wax rajo ah ka qabin inuu soo caafimaado.

Balse Mr Bennett, ayaa sidaas ka duwan, waxaana uu rajeynayaa in qalliinkan uu u suurtagelin doono sii wadashada noloshiisa. Muddo lix isbuuc ah ayuu saarnaa sariirta ka hor inta aan lagu sameynin qalliinka, waxaana ku xirnaa qalab qalab u shaqeeya caawinayay wadnihiisa.

Waxaa wadnaha uga dhacay cudur waxyeello ba’an gaarsiiyay.

“Waxaan ku rajo weynahay inaan ka dego sariirta marka aan bogsado kaddib,” ayuu yiri isbuucii lasoo dhaafay.

Maalintii Isniinta, waxaa lasoo tebiyay in Mr Bennett uu u neefsanayay si iskiis ah inkastoo aad loo kormeerayay.

Laakiin waxa dhici doona wali ma cadda. Doofaarka wadnihiisa la adeegsaday ayaa lagu sameeyay daaweyn wax looga baddalayay habka uu hiddo ahana ugu shaqeeyo si meesha looga saaro xididdo sabab u noqon karay inuu aqbali waayo jirka Mr Bennett, sida ay ku warantay Wakaaladda Wararka ee AFP.

Mr Griffith ayaa sheegay inay qalliinka u sameeyeen si aad u taxaddar badan, haddana ay si dhow ula socdaan xaaladda ninkan.

.Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post