1449 Views

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, oo soo bandhigay dambiyada sabab u ahaa in dalka laga saaro Simon malungo

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, oo soo bandhigay dambiyada sabab u ahaa in dalka laga saaro Simon malungo
____________________________________________________________________________


Isniin: November 8, 2021

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa soo bandhigay dambiyada sabab u ahaa in dalka laga saaro Simon malungo, oo ahaa ku xigeenkii safiirka midowga Afrika ee Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda ayaa sheegay, dowladdu inay ku heshay Simon Malungo inuu isku dayay inuu hor istaago ama uu marin habaabiyo baaritaanka dadkii Soomaaliyeed ee ciiddamada AMISOM ku xasuuqeen tuulada Golweyn ee gobolka Shabeellada hoose.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Simon Malungo uu masuul ka yahay dad Soomaaliyeed oo lagu dhibaato loogu geystay xerada xalane, isagoo burburiyay heshiis dowladda iyo midowga Afrika ku galeen in taageero la siiyo dadkaas.

Wasiirku wuxuu sidoo kale sheegay in lagu helay sarkaalka midowga Afrika inuu faro galin ku sameeyay ganacsiyo ay dad Soomaaliyeed ku lahaayeen xerada Xalane, isagoo ka raadinayay dano dhaqaale.

Wuxuu sheegay wasiirku  in dowladdu aad u daahisay go’aanka ay ka qaadatay Malungo, isagoo xusay in ay marar badan dacwadiisa u gudbiyeen madaxda midowga Afrika.

“Midowga Afrika waxaan u sheegnay in aan ninkaas digniino badan ka bixinay, haddana aam taagannahay meeshii ugu dambeysay, oo ah in nala ka beddelo, Waxaan sidoo kale madaxda dalkiisa Uganda gaarsiiyay arrintaas, si shakhsi nuucaas oo kale aanan ka oggolaan inuu xiriirkeenna xumeeyo” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.”

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan dalka ka erisay simon Malungo, iyadoo loo jaray waxa afka qalaad lagu dhaho Persona non grata, oo u dhiganta in aan dalka laga rabin.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post