1284 Views

Haweeney Ka Ganacsata Foolka Maroodiga Oo La Xukumay

Haweeney Ka Ganacsata Foolka Maroodiga Oo La Xukumay
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | February 20, 2019–Maxkamad ku taalla dalka Tanzania waxay Xabsi 15 sanno ah ku riday Haweeney Ganacsato ah oo u dhalatay dalka Shiinaha, taasi oo lagu qabtay in ka badan 350 Foolasha Maroodiga oo ay si qarsoodi ah kaga saari lahayd dalkaasi

Haweeneydaasi oo lagu magacaabo Yang Feng Galan oo 69-jir ah waxaa lala xukumay 2 nin oo Tanzaaniyaan ah, oo iyaga u fududeynayey inay dhoofiso Foolasha Maroodiga oo lagu qiimeeyey 5.6 million oo dollar.

Haweeneydaasi oo lagu naanayso Boqoradda Foolasha Maroodiga waxaa loo gudbiyey Xabsiga Dhexe ee Ukongo oo ku yaalla caasimadda dalka Tanzania ee Darasalaam, halkaasi oo la filayo inay ku dhamaysato Xabsigeeda 15-ka Sanno

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment