627 Views

Mareykanka” Ma jiro Dal loo ogolaanayo kutumashada xuquuqul insaanka”

Mareykanka” Ma jiro Dal loo ogolaanayo kutumashada xuquuqul insaanka”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 21 2021–War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa looga digay dalalka caalamka in ay joojiyaan ku tumashada sharciga, iyadoo ku marmarsiinayo in uu jiro cudurka Karoonaha.

Dowladda Mareykanka waxay sheegtay in lala xisaabtami doona kuwa falkaasi ku dhaqaaqa, islamarkaana loo baahan yahay ilaalinta xuquuqda Aadanaha.

“Waa Waajib in dowladaha lagula xisaabtamaa ilaalinta xuquuqul insaanka, mana jiro Dal loo ogolaanayo kutumashada xuquuqul insaanka iyo xuquuqda asaasiga ah iyada oo lagu marmarsiyoonayocudurka COVID-19”ayaa lagu yiri

Waxa xusid mudan in Xukuumada Federaalka ah ay laba Maalin ka hor xiligii loogu talagalay inuu dhaco bannaan bixii ay ku baaqeen Midowga Musharaxiinta ay Xukuumaddu sheegtay in la isku imaan karin, iyadaoo sabab laga dhigayo cudurka Covid-19.

Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa xilligaasi ku dhawaaqay in falkaasi uu yahay mid sharci daro oo hareersan hanaanka banaanbaxa nabadeed, loona adeegsaday rasaas nool nool si loogu diido in ay cabiraan dareenkooda.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post