1176 Views

Siyaasiyiinta iyo xildhibaanada beesha Xawaadle oo shir uga furmay B/weyne

Siyaasiyiinta iyo xildhibaanada beesha Xawaadle oo shir uga furmay   B/weyne
____________________________________________________________________________

Axad: August 15, 2021

 Wararka ka imanaya saakay gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi uu  xalay ka billowdeen kulamo ay leeyihiin siyaasiyiinta & xildhibaanada beesha Xawaadle,

Wararka ayaa sheegaya in Kulamadan ay yihiin kuwa  xasaasi ah waxaa qeyb ka ah madaxweyne ku xigeenka HirShabelle, Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, madaxweynihii hore ee maamulkaasi Mudane Cali Cabdullahi Cosoble, wasiirkii hore ee amniga Cabdirisaaq Cumar, wasiirkii hore waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre, xildhibaan Qoone iyo taliyihii hore ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, kuwaas oo shalay ka dagay Beledweyne.

Mas’uuliyiinta kulmada ka billaabay Beledweyn ayaa sidoo kale shirar gaar gaar ah la yeelan doono odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka ka soo jeeda beesha Xawaadle.

Sidoo kale waxaa la filayaa inay General Xuud ku qanciyaan in madaxweynaha HirShabelle uu si nabad ah ku imaado magaalada, iyada oo markaan ay u muuqato in loo ogolaan doono inuu ka dago Beledweyne, waa sida ay sheegaan ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post