1719 Views

Mareykanka, oo sheegay in gacan ka geysan doonaan dib u dhiska magaalada Gaza

Mareykanka, oo  sheegay in gacan ka geysan doonaan  dib u dhiska magaalada Gaza
____________________________________________________________________________

May 25 2021

Xoghanaya arrimaha dibedda ee Mareykanka, Antony Blinken, ayaa sheegay in dalkiisa uu gacan ka geysan doono dib u dhiska magaalada Gaza kaddib duqeymihii ay Israa’iil halkaa ka geysatay bartamihii bishan.

Balse waxaa uu sidoo kale sheegay in Mareykanka ay ka go’antahay in dagaalyahannada Xamaas ee gacanta ku haya dhulkaas aysan ka faa’iideysan dedaalada dib u dhiska ee Gaza.

Antony Blinken ayaa ka hadlayay magaalada Qudus, kaddib wadahadal uu la yeeshay ra’iisal wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu.

Blinken ayaa sheegay in Mareykanka uu ku dedaalli dooni sidii caalamka uu u taageeri lahaa dedaalka dib u dhiska Gaza, dhankiisana uu “dhaqaale wanaagsan ku deeqi doono” oo qeyb ahaan la shaacin doono gelinka dambe ee maanta.

Xabbad joojinta Israa’iil iyo dagaalyahannada Falastiiniyiinta ayaa dhaqan gashay afar maalmood kaho

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post