783 Views

NISA oo sheegtay in ay qabatay Kiimiko loo waday Al-Shabaab & dadkii waday

NISA oo sheegtay in ay qabatay Kiimiko loo waday Al-Shabaab & dadkii waday
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL October 14 |  2020—Hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA  ayaa Maanta shaacisay inay gacanta ku dhigtay Kiimiko loo waday Ururka Al-Shabaab iyo Shaqsiyaadkii dalka soo gelinayay.

Qoraal kooban oo lagu daabacay Barta Twitter-ka NISA ayaa waxaa lagu sheegay in ay Hay’ada qabatay Kiimiko 79 tan ah maadada Sulfuric Acid”ah & Shakhsiyaadkii dalka soo galiyey, kuwaas oo u waday Al-Shabaab.

“ Waxaa gacanta lagu dhigay 79, Tan oo maadada “Sulfuric Acid”ah & Shakhsiyaadkii dalka soo galiyey, una gudbinayey Maafiyada Alshabaab, waxayna wajihi doonaan Sharciga. Baaritaanka Maadadan waxaa ka wada shaqaynaya NISA & Hey’adaha ay iska kaashadaan ladagaalanka Aragagixisada ayaa lagu yiri” Warka NISA.

NISA qoraalkeead kuma shaacin halka laga qabtay Kiimikada loo waday Al-Shabaab iyo tirada dadka ay qabteen, hayeeshee ay sheegeen in baaritaan dheer, kadib ay Sharciga wajihi doonaan.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
_____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post