747 Views

Golaha wakiiladda Somaliland oo taageero u muujiyay dhigooda Taiwan!

Golaha wakiiladda Somaliland oo taageero u muujiyay dhigooda Taiwan!
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL |  September 15 2020
—Golaha Sharci dejinta Somaliland ayaa taageeray Xeerka Xiriirka Taiwan (TRA), oo ah sharci Mareykan ah oo xukumaya xiriirka aan rasmiga ahayn ee Mareykanka uu la leeyahay Taiwan, sida uu sheegay wakiilka Somaliland ee Taipei Maxamed Cumar Hagi Maxamuud.

Maxamuud ayaa Talaadadii bartiisa Twitter-ka ku daabay nuqul qaraar ah oo ay soo saareen Golaha Wakiillada Somaliland, kuna taariikhaysan 12-kii Sept., kaasoo ay ku taageereen TRA( xiriirka aan rasmiga ahayn ee u dhexeeya Maraykanka iyo Taiwan) isla markaana u muujiyeen taageerada ay u hayaan xiriirka Somaliland iyo Taiwan.

TRA waxaa ansixiyay Golaha Koongareeska Mareykanka 1979, kadib markii Mareykanku uu aqoonsi diblomaasiyadeed uga wareejiyay Beijing. Sharcigaan ayaa ogolaanaya xiriirka muhiimka ah ee u dhexeeya Mareykanka iyo Taiwan isaga oo ogolaanaya in Maraykanku caawiyo Taiwan gaar ahaan dhanka difaaca.

Sida ku cad qaraarka uu soo saaray Wakiilka Somaliland ee Taiwan, Baarlamaanka Somaliland ayaa ku biiray naadiga Formosa, oo ah barmaamij dhexmara baarlamaanka isla markaana dhiirrigeliya wax is dhaafsiga Baarlamaanada Somaliland iyo Taiwan.

Golaha Wakiiladu Somaliland ayaa sidoo kale muujiyay qaddarinta Dowladda Mareykanku u hayso xiriirka ka dhexeeya Somaliland iyo Taiwan, sida ku xusan qoraarka.

Somaliland, oo iskeed ugu dhawaaqday dowlad 1991 kadib dagaal sokeeye oo ka dhacay Soomaaliya, ma jiro dal u aqoonsan dowlad madax-bannaan.

Dhanka kale Taiwan waxaa Shiinuhu u arkaa qayb ka mid ah dhulkeeda waxaana aqoonsan 15 dal oo kaliya oo saaxiibo diblomaasiyadeed kala dhexeeyaan Shiinaha.

Iyagoo wajahaya caqabado isku mid ah oo ka taagan masraxyada caalamiga ah, Taiwan iyo Somaliland waxay kala saxiixdeen heshiis bishii Febraayo si loo sameeyo xafiisyo wakiillo is-dhaafsi ah si loo hormariyo xiriirka labada maamul.

Bishii Agoosto 17keedii, Taiwan waxa ay xafiiskeeda wakiilnimo ka furatay magaalada Hargeysa, xafiiska wakiilka ee Somalilandna waxaa laga furay magaalada Taipei saddex toddobaad ka dib.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post