375 Views

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo lagu magacaabay qaar ka mid Golaha Wasiirada Dowlad Gobaleedkaas.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo lagu  magacaabay qaar ka mid Golaha Wasiirada Dowlad Gobaleedkaas.
____________________________________________________________________________

Isniin:  June 6, 2022

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayuu ku magacaabay qaar ka mid Golaha Wasiirada Dowlad Gobaleedkaas.

Wasiirada uu magacaabay Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa gaaraya illaa shan Wasiir oo badali doona Wasiiradii hore ka dib markii ay ka mid noqdeen Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Wasiirada la magacaabay ayaa kala  ah:

1: Dr Cali AlCabdi Macalin oo loo magacaabey Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Koonfur Galbeed.

2: Cabdullaahi Xaaji Xasan oo loo Magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed.

3: Maxamed Isaaq Cabdi oo loo Magacaabay Wasiirka Amniga Maamulka Koonfur Galbeed.

4: Xasan Cabdinuur Aadan oo loo Magacaabay Wasiirka Gaadiidka cir & Dhulka Koonfur Galbeed.

5: Sandheere Maxamed Iftin oo loo Magacaabay Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa wasiiradii ugu badnaa maamulkaasi ka dhigay Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, ayaga oo badankooda ahaa saaxiibada Laftagareen.

Qaar kamid ah mas’uuliyiintii uu ka dhigay xildhibaano ayaa kasoo horjeestay siyaasadisii ku aadaneyd doorashada Soomaaliya gaar ahaan midda guddoomiyaha Baarlamaanka iyo tan madaxweynaha taasoo dhabarjab weyn ku noqotay

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post