285 Views

Wasiirka wasaaradda Agaashaandhigga Kenya Aadan Ducaale oo shaaca ka qaaday hantida lacageed ee uu heysto

____________________________________________________________________________

Isniin: OCTOBER 17, 2022

Wasiirka magacaaban ee wasaaradda Agaashaandhigga Kenya, Aadna Barre Ducaale ayaa maanta su’aalo lagu weydiiyay baarlamaanka Kenya.

Waxyaabaha la weydiiyay waxaa ka mid ah inta ay hantidiisa la egtahay, ama tirada lacagta uu heysto shakhsi ahaan iyo sida uu ku helay.

“Anigu waxaan heystaa lacag gaareysa 851 milyan oo shilinka Kenya ah, oo ay ku jiraan hanti kale oo ah 231 neef oo geel ah<” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in idaha iyo riyaha ay qeyb ka yihiin hantidiisa, lacagta hadda soo gashana ay qiyaasteeda gaareyso 10 milyan oo shilin sanadkiiba.

Dhanka kale, Ducaale ayaa sheegay in Soomaalida ay ku kala nool yihiin caalamka oo dhan, qaarkoodna ay jagooyin muhiim ah ka hayaan dalal kala duwan.

“Ma joogaan oo keliya Jabuuti, Soomaalida meel walba ayey joogaan, waxa ayna gabar Congress-ka ku jirta ku leeyihiin Mareykanka. Sidoo kale waxaa jira wasiir ka tirsan Golaha Wasiirrada Canada oo Soomaali ah,” ayuu yiri Ducaale

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post