768 Views

Taliska Booliska Degmada Howlwadaag Oo Gacanta Ku Dhigay Guri Lagu Beeray Xashiish.

Taliska Booliska Degmada Howlwadaag Oo Gacanta Ku Dhigay Guri Lagu Beeray Xashiish.
____________________________________________________________________________


Axad: January 9, 2022

Ciidamada Booliska Saldhigga Dagmada Howlwadaag ee Gobalka Banaadir ayaa howlgal ay caawa ka sameeyeen xaafadda Tookiyo ee Dagamada Howlwadaag kadib markii ciidamada Booliska xog ka heleen bulshada ku nool deegaanka.

Taliyaha Saldhigga Booliska Dagmada Howlwadaag Najiib Cabdi oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in Ciidamada Booliska oo qaaday howlgal qorsheeysan ay gacanta ku dhigiin Beer lagu tallaalay dhirta Xashiishadda nooca ugu qatarsan ee Murjawaanaha iyo Haamo lagu farsameynayay Calaqa iyo dadkii ku howlanaa.

“ Ciidamada ayaa gacan ka helay bulshada deegaanka waxayna taasi suuragalisay in gacanta aan ku soo dhigno waxyaabaha Maanka dooriya iyo Dhirta Xashiishka oo lagu beeray mid kamid ah dhismayaasha Xaafadda Tookiyo iyo Caagado lagu karkarinayay Maandooriyaha Calaqa” ayuu yiri taliye Najiib Carab.

Taliyaha ayaa u mahadceliyay dadweynaha ku nool dagmada Howlwadaag oo marwalba lasoo wadaago ciidanka booliska xogta qatarta ku ah amaniga iyo bulshada deegaanka, taas oo boolisku har iyo habeenba u taaganyahay in ka badabaadiyo.

Waa dhacdo ugub ku ah gobalka Banaadir in lagu arko Beer lagu tallaalo Xashiishka, taas oo hadda ay kahortageen ciidamada Ammaanka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post