1521 Views

Wufuud Ka Qeyb Geli Doonta Shir Ka Dhacaya Muqdisho Oo Maanta La Soo Dhaweeyay

Wufuud Ka Qeyb Geli Doonta Shir Ka Dhacaya Muqdisho Oo Maanta La Soo Dhaweeyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 21, 2019–Magalada Muqdisho waxaa Maanta soo gaaray mas’uuliyiin ka socatay 25 Shirkadood iyo Diplomaasiyiin Finland ah,iyada oo siweyn loo soo dhaweeyay.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo mas’uuliyiin kale ayaa wafdigaan kusoo dhaweeyay Magalada Muqdisho,iyaga oo kulan gaar ah yeeshay.

U jeedada wafdigaan ayaa waxaa lagu sheegay in Magalada Muqdisho ay uga qeyb geli doonaan  shirka Ganacsiga iyo Maalgashiga ee dowladaha Soomaaliya iyo Finland oo Muqdisho ka dhacaya.

Soomaaliya ayaa xilligaan wado qorshooyin kala duwan oo ku aadan in la helo shirkado dalka Soomaaliya maalgashi ka sameeya.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment