1143 Views

Sawirro:-Carwada Bandhiga Buugaagta Kismaayo Oo La Daah-Furay

Sawirro:-Carwada Bandhiga Buugaagta Kismaayo Oo La Daah-Furay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 07, 2019 —Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta ka qaybgalay maalinka koobaad ee furitaanka Bandhiga Carwada Buugaagta ee Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa mid mid u dul istaagay Buugaagta lagu soo bandhigay KBF2019 isagoo qaar kamid ah qorayaasha buugaagtan ka gudoomay buugag ay qoreen waxaa kale oo Madaxweynahu uu halkaas kasoo iibsaday qaar kamid ah buugaagta lasoo bandhigay.

Madaxweynahu waxaa kale oo uu goobtaas Khudbad ugu jeediyay qaar kamid ah kasoo qaybgalayaasha Bandhigan isagoo sheegay in uu Aad ugu faraxsanyahay in uu goobjoog ka noqdo Carwadan oo ah tii Sadexaad ee ay hirgaliso Madasha Maan kulan.

Carwada bandhigga buugaagta Kismaayo wuxuu soo maray marxalado kala duwan waxaana markii ugu horreysay laga hirgaliyay magaalada Kismaayo 21 iyo 22 2017, waxaana markii ugu horreysay lagu beegay maalinta afka Soomaaliga, waxaana kaso qayb galay 15 qoraa oo kala yimid Muqdisho, Hargeysa, Garoowe, Nairobi, Canada iyo meelo kale oo dalka iyo dibadisa ah iyo marti sharaf kala duwan oo iskugu jira reer Kismaayo dad kale oo kala yimid.

Madaxweynaha ayaa sheegay in burburkii dalka ka dhacay uu sameeyay qaybo badan oo kamid ah waxyaabaha Aas Aasiga ah balse hada laga soo kabanayo oo Soomaaliya hormar la taaban kahor ay gaadhay sanadahii u danbeeyay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment