882 Views

Ciidamada Kenya oo shegay in ay fashiliyen weerar shabaab ku qaadi lahayen saldhiga Qooqaani

Ciidamada Kenya oo shegay in ay fashiliyen weerar  shabaab ku qaadi lahayen saldhiga  Qooqaani
____________________________________________________________________________

Muqdisho /Qol/  March 10, 2021 

Hay’addaha amaanka Kenya  gaar ahaan Ciidamada KDF ayaa shaaciyay in ay ka hor tageen Weerar qorshaysan oo dagaalamayaal ka tirsan A-Shabaab ku soo qaadi lahaayeen saldhigooda ku yaalla deegaanka Qooqaani ee gobolka Jubbada Hoose.

Sargaal ka tirsan ciidamada Kenya ayaa sheegay in ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee ku sugan saldhiga qooqaani ay iska caabiyeen weerarkaasi.

Sidoo kale Sargaalkan  ayaa sheegay in ay dileen qaar kamid ah dagaalamayaashii weerarka ku soo qaaday, isla markaasna ay hub badan oo ay wateen gacanta ku dhigeen.

Dowladda Kenya gaar ahaan wasaaradda Difaaca ma aysan caddeyn tirada dagaamayaasha ay dileen iyo tirada hubka ay gacanta ku dhigeen.

Shabaab ayaa Ciidamada Kenya ee ku sugan  Somaliya Waxay uga dileen Boqolaal askari, tan iyo wixii ka danbeeyay 2011-kii oo ay Ciidamada Kenya soo galeen Somaliya, waxayna Marka hore ku bilaabaan shabaab Qaraxyo kadibna waxay gudaha u galaan saldhiga ayaga oo ka dhex dagaalama.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post