660 Views

Ukraine oo ugu baaqday Shiinaha in ay ku biiraan reer galbeedka si ay u cambaareeyaan duulaanka uu Ruushka ku qaaday.

Ukraine  oo ugu baaqday Shiinaha in ay ku biiraan reer galbeedka si ay u cambaareeyaan duulaanka uu Ruushka ku qaaday.
____________________________________________________________________________


Axad: March 20, 2022

Ukraine ayaa Sabtidii ugu baaqday Shiinaha in ay ku biiraan reer galbeedka si ay u cambaareeyaan duulaanka uu Ruushka ku qaaday.

Ma jirto wax calaamad ah oo muujinaya in Shiinuhu uu ku dhow yahay inuu ka tago Ruushka.

Beijing ayaa isku dayeysay in ay ka fogaato khilaafka diblomaasiyadeed ee Ukraine, iyada oo dooratay in ay ka aamusto codbixin Qaramada Midoobay ay ku cambaaraysay duulaanka Ruushka.

Moscow ayaa waydiisatay Shiinaha qalab milatari oo lagu taageerayo duulaanka Ukraine, sida uu sheegay sarkaal Mareykan ah oo ay soo xigatay warbaahinta. Shiinuhu waxa uu wararkaasi ku tilmaamay kuwa been abuur ah”.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post