360 Views

Soomaaliya oo ka qeyb gashay furitaanka bandhigga 30-aad ee carwada farsamada ee Beeraha Shiinaha

Soomaaliya oo ka qeyb gashay furitaanka bandhigga 30-aad ee carwada farsamada ee Beeraha Shiinaha
____________________________________________________________________________

Danjiraha Soomaaliya u Fadhiya Dalka Shiinaha Danjire Cawaale Kullane ee Soomaaliya ayaa ka qeyb galay furitaanka bandhigga 30-aad ee carwada farsamada sare ee Beeraha iyo teknoloojiyadda Shiinaha (Yangling Agricultural High-tech Fair (CAF) oo lagu qabtay gobolka Shaanxi.

Bandhigan oo soconaya muddo afar maalin ah (Sebtembar 19 ilaa 23) ayaa diiradda lagu saarayaa hal-abuurnimada sayniska ee kobcinta iyo horumarinta tayada Beeraha.

Waxaana Bandhigan uu ujeedkiisu yahay in lagu soo bandhigo horumarka dhanka Beeraha iyo kobcinta iskaashiga khubarada iyo hogaamiyayaasha warshadaha.

Danjiraha Soomaalliya ee Shiinaha Amb. Cawaale Cali Kullane oo ka qeyb galay madashan ayaa hoosta ka xariiqay in ay Soomaaliy ka go’an tahay xoojinta xiriirka Shiinaha iyo horumarinta beeraha Geeska Afrika.

CAF 2023 waxay bixisaa aragtiyo qiimo leh oo ku saabsan horumarinta Beeraha casriga ah iyo hal-abuurka tiknoolajiyada ee kor u qaadi kara sugnaanta cuntada iyo kicinta kobaca dhaqaalaha Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post