426 Views

Doon Soomaaliya ku soo jeeday oo Yemen dab ku qabsaday

Doon Soomaaliya ku soo jeeday oo Yemen dab ku qabsaday
____________________________________________________________________________

Talaado: April 12, 2022

 Doon ganacsi oo magaalada Cadan ee dalka Yemen kasoo qaaday rar ayaa dab qabsaday iyadoo markaa kadibna ku degtay badda, xili ay guul dareysteen dadaalo lagu doonayay in lagu damiyo dabka ka kacay doonta.

Doonta ganacsi ayaa u rarnayd ganacsade Rashiid Ibraahin Ciise oo reer Somaliland ah, waxaana ay doonta kusoo wajahneyd dekedda Berbera.

Sidoo kale, Cali Ducaale oo ah mulkiilaha doonta, oo ka hadlay arrintaan ayaa sheegay in doonta uu dab qabsaday maqribkii Isniinta, balse markii loo gurmaday ee la bakhtiiyay dabkii ay biyo soo galeen oo ay dagtay.

“Waxay 6:00 PM abaaro afuradii Yementa ayay kasoo baxday magaalada Cadan, iyada oo kusoo jeeda dekedda Berbera, doonta dab ayaa qabsaday, Yemen ayaanu la xidhiidhnay si loo bad baadiyo ka bacdi markaanu qayla dhaanta ka helnay doonta in ay gubanayso, way isku dayeen in ay doonta bakhtiiyaan lakin dabkii wuxuu gaadhay xaga hoose, taasina waxay kaliftay in ay biyihii soo galaan marka way dagtay” ayuu yidhi Ducaale.

Doontan ayaa siday bagaash kala duwan oo iskugu jira caano, subag iyo alaabooyin kale, kuwaasi oo gabi ahaanba ku shufbeelay isla markaana ay doontu la dagtay markii ay burburtay.

Sidoo kale, Doonta ayaa ku rarneyd hanti lagu lagu sheegay 20,000 oo kartoon oo subag ah, 7000 oo kartoon oo Caano Yemeni ah, 5000 oo kortoon oo ahaa fiinto iyo alaabooyin kale.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post