489 Views

Goodax bare “ Maamulka Hir-Shabeelle waxay wadaan isku day ah is dhexgelinta Siyaasadda Doorashada, iyo safarka Cali Guudlaawe

Goodax bare “ Maamulka Hir-Shabeelle waxay wadaan  isku day ah is dhexgelinta Siyaasadda Doorashada, iyo  safarka Cali Guudlaawe
____________________________________________________________________________

Axad : August 22, 2021

Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo la hadlay TV-ga Somali Cable waxa sheegay in wadahadalka ka socda Magaalada Baladweyne lagu raadinayo xalka sidii loo qancin lahaa dhinacyada siyaasad ahaan kasoo horjeeda hab maamulka DG Hir-Shabeelle.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada XFS Waxa uu ka digay in la is dhexgeliyo arrimaha Doorashooyinka & safarka Madaxweynaha DG Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo sidii loo doortay aanay tagin Gobolka Hiiraan balse marar kala duwan isku dayay.

“Waxaa soo kordhay in Maamulka Hir-Shabeelle uu sameynayo isku day ah is dhexgelinta Siyaasadda Doorashada, cabashada taagneed & safarka Cali Guudlaawe, taasi waxa ay dhalisay Xiisad cusub oo ah” ayuu yiri Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre.

Toban bil oo xilka Madaxweynaha DG Hir-Shabeelle uu hayo Cali Guudlaawe Xuseen ayuu tilmaamay in dadka Hiiraan weli diidan yihiin in uu tago Gobolkaas balse haatan Maamulkiisa uu dejiyay qorshooyin cusub oo fududeynaya safarkiisa Baladweyne sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre waxa uu ka digay isku xirka doorashooyinka Labada Gole BFS ee DG Hir-Shabeelle kasoo galaya & caqabadda diidmada safarka Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen.

“Baladweyne amnigeeda waxaa gacanta ku haya ciidamada Dowladda Federalka mana jirto sabab loo damco in doorashada laga wareejiyo balse dad ayaa isku xiraya Doorashada iyo diidmada safarka Madaxweyne Guudlaawe” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Magaalada Baladweyne waxaa ku sugan Mas’uuliyiin heer Federaal, Heer Dowlad-Goboleed, siyaasiyiin xilal kala duwan soo qabtay & shaqsiyaad kale, kulamo ka bilawday Magaaladaas waxaa looga hadlayaa ka gudubka caqabadaha siyaasadeed ee jira.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post