720 Views

Sheekh Cusmaan Barre “ Dowladii Farmaajo dadka waxay ka dhigtay qof cabsi ku nool, qof jeelka la dhigay iyo qof la dilay

Sheekh Cusmaan Barre  “ Dowladii Farmaajo dadka waxay ka dhigtay qof cabsi ku nool, qof jeelka la dhigay iyo qof la dilay
____________________________________________________________________________

Isniin: June 6, 2022

 Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka HirShabeelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed oo ka mid ahaa madaxdii la soo shaqeysay Madaxweyne Farmaajo ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dhibaatooyinkii ay HirShabeelle ku qabtay nimaadkii Farmaajo.

Wuxuu sheegay in dowladii uu Farmaajo hoggaaminayey ay kor uga eked dowlad, balse gudaha aan looga shaqey jirin sharci dowladnimo, isagoo sheegay in dadka qaarna la dilay, qaarna ay cabsi ku noolaayeen.

“Dowladii Farmaajo dadka waxay ka dhigtay qof cabsi ku nool, qof jeelka la dhigay iyo qof la dilay, waxay aheed dowladii ugu liidatay tan iyo burburkii, dastuurkii ayey baabi’isay heybadii Soomaaliya ayey baabi’isay,” ayuu yiri Sheekh Cusmaan Barre.

Wuxuu sheegay in madaxda dowlad goboleedyada ay cabsi ku joogeen xukunka, halka madaxda dowlad goboleedyada qaarna ay ku baxeen cadaadiskii ay saartay xukuumadii Farmaajo.

“Waxaa ugu daraa HirShabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo cadaadis xun la saaray, markii la cuuryaamiyey maamulladaas waxaa fursad helay Al-Shabaab oo meel kasta u fariistay,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu dul istaagay sida uu Farmaajo ugu tuntay dastuurka dalka, isagoo Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay in muhiimad uu siiyo dastuurka oo wadadii uu Farmaajo ku socday uu ka leexiyo dowladnimada.

 “Soomaaliya intii Farmaajo xukunka joogay waxaa la iskula joogay xoog, waxaa meel la iska dhigay nimaadkii dowladnimada iyo shuruucdii dalka, waxyaabaha ugu daran ee Madaxweyne Xasan Sheekh sugaaya waxaa ka mid ah soo celinta xiriirkii dowladaha caalamka, maadaama uu dalkeenu weli tabar yaryahay,” ayuu yiri Sheekh Cusmaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post