606 Views

Saraakiil Sarsare oo Ruushka looga Dilay Dagaalka ukrain

Saraakiil Sarsare oo Ruushka looga Dilay Dagaalka ukrain
____________________________________________________________________________

Isniin: March 28, 2022

Saraakiisha ugu caansan Ruushka ee lagu dilay Ukraine

Yakov Rezantsev: Taliyaha Ciidanka Isku-dhafka ee 49-aad

Waxaa la sheegay in Lieutenant-General Yakov Rezantsev uu ku dhintay duqeyn ay Ukraine ka geysatay saldhigga ciidamada cirka ee Chornobayvka ee u dhow magaalada Kherson.

Wuxuu ahaa taliyaha 49-aad ee ciidamada isku dhafka ah ee qaybta militariga ee Koonfurta Ruushka.

Wuxuu ka qayb qaatay hawlgalkii ciidamada Ruushka ee Suuriya.

Taliyaha Ciidanka Isku dhafka ah ee Sideedaad

XIGASHADA SAWIRKA,,

Andrei Mordvichev ayaa lagu dilay duqeyn ka dhacday saldhiga ciidamada cirka ee Chornobayevka ee u dhow Kherson, sida ay sheegeen saraakiisha Ukraine.

Geeridiisa ayaa lagu dhawaaqay 18-kii Maarso.

Major General Oleg MityaevXIGASHADA SAWIRKA,, Major General Oleg Mityaev ayaa lagu dilay meel u dhow Mariupol, oo ah magaalo ku taal koonfurta bari ee Ukraine oo ay ka dhaceen qaar ka mid ah dagaaladii ugu xooganaa ilaa maanta.

Guutada Qaranka Azov ayaa sheegtay in ay dileen.

Waxa uu ahaa taliyaha Qaybta 150-aad ee Ciidanka Ruushka, oo ah unug cusub oo la sameeyay 2016-kii, fadhigooduna ahaa Rostov oo u dhow xadka Ukraine.

Ukraine ayaa sheegtay in cutubkan loo sameeyay sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen colaadda ka taagan deegaannada ay gooni u goosadka ka maamulaan ee Bariga Ukraine, inkastoo Ruushku uu beeniyay in ciidamadooda ay ku lug lahaayeen dagaallada halkaas ka socda.

Major General Andrei KolesnikovXIGASHADA SAWIRKA,,

Kolesnikov, oo xubin ka ahaa Ciidanka 29aad ee Isku-dhafka Hubka ah, ayaa lagu dilay dagaalka 11-kii Maarso, sida laga soo xigtay ilo rasmi ah oo Ukraine ah.

Lama shaacin qaabka uu u dhintay.

Kadib markii Kolesnikov uu noqday jeneraalkii saddexaad ee Ruushka ah ee la sheegay in lagu dilay dalka Ukraine, sarkaal reer galbeed ah ayaa sheegay in laga yaabo in ciidamada Ruushka ay niyad jabsan yihiin, waana sababta keentay in saraakiisha sare ee militariga ay ku dhawaadaan jiidda hore ee dagaalka.


Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post