282 Views

Ciidamada ilaalada xeebaha Turkiga oo sheegay in maraakiib ay leeyihiin ciidamada Giriigu rasaas ku fureen Xili ii marayay biyaha caalamiga ah

Ciidamada ilaalada xeebaha Turkiga oo  sheegay in maraakiib ay leeyihiin ciidamada  Giriigu rasaas ku fureen Xili ii marayay biyaha caalamiga ah
____________________________________________________________________________

Isniin: SEPTEMBER 12, 2022

Ciidamada ilaalada xeebaha ee dalka Turkiga ayaa sheegay in maraakiib ay leeyihiin ciidamada ilaalada ee dalka Giriigu inay rasaas ku fureen Markab xamuul ah oo marayey biyaha caalamiga ah ee badda Aegean, arrintaas oo sare u sii qaadaysa xiisadda u dhexeysa labadan dal.

Ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay rasaasta la sheegay in lagu riday markabkan oo marayey meel 11 nautical mile (13 mile) kaga beegan dhinaca Koonfur-Galbeed jasiiradda Bozcada ee dalka Turkiga, sida ay sheegeen masuuliyiinta dalka Turkigu. Masuuliyiinta ayaa intaas ku daray in markii uu dhacay weerarkaas gardarada ahi, oo ay ku lug lahaayeen laba Markab oo laga leeyhay dalka Giriigu, inay halkaas gaadheen laba Markab oo ah kuwa ilaalada xeebaha Turkiga, xilligaas oo maraakiibta Giriigu ay goobta ka tageen.

Telefoonada safaaradda Giriiga ee Ankara ayaan Axaddii laga jawaabin, mana cadda sababta dhalisay in la rasaaseeyo markabkaas.

Labadan dal ee deriska ah, waxaa ka dhex jira khilaafyo iyo is-faham waa, muddo tobanaan sano ah, waxaana muddooyinkan dambe soo ifbaxayey in khilaafka u dhexeeyaa uu cirka isku sii shareerayo, iyada oo labada dhinacba ay ku andacoonayaan in dhinaca kale u uku soo xadgudbay hawadooda.

Turkiga ayaa ku eedeeyey in Giriigu uu jebinayo heshiisyada caalamiga ah, iyaga oo ciidamo militari ah u diray xeebaha Aegean ee dalka Turkiga. Sidoo kale waxaa Turkigu ku eedeeyey dalka Giriiga inay ku xadgudbeen diyaaradaha dagaalka ee Turkiga intii lagu gudajiray dhoolatuskii NATO ee ka dhacay bariga biyaha Mediterranean-ka.

Giriiga ayaase isagu ku doodaya inay u baahan yihiin inay difaacaan jasiiradaha ku yaalla dhinaca bari oo ay ku jirto goobta loo dalxiis tago ee Rhodes iyo Kos, kuwaas oo aad ugu dhow dalka Turkiga, marka qiyaas ahaan la eego inta ay u jiraan dhulweynaha Giriiga.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post