900 Views

Xildhibaano kasoo horjeedda Guddiga ay Magacowday dowladda oo ku wajahan Dhuusamareeb

Xildhibaano kasoo horjeedda Guddiga ay Magacowday dowladda oo ku wajahan Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October-26–2019 –Xildhibaan ka tirsan dowladda dhexe ee Soomaaliya oo laga doorto degaanada maamulka Galmudug  ayaa maanta ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.

 

Xildhibaanada ayaa kasoo horjeeda Guddiga Wasaarada Arrimaha  Soomaaliya ay u Magacowday Farsamada iyo doorashada maamulka Galmudug.

 

Xildhibaanada maanta ku wajahan Magaalada ayaa ah kuwo saameyn weyn ku leh Siyaasadda Soomaaliya, waxaana la aamisan yahay tagitaankooda Dhuusamareeb in uu waji cusub u yeeli doono Xaaladda maamulka Galmudug.

 

Dowlada Soomaaliya iyo maamulka Ahlusunna ayaa waxaa soo gala dhex galay Khilaaf xooggan oo sababay in Galmudug ay yeelato labo Guddi doorasho oo iska soo horjeedda.

 

Magaalada Dhuusamareeb ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa ka socday dhaq dhaqaaq Ciidan oo u dhaxeeyay dowladda iyo maamulka Ahlusunna.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment