1584 Views

booliiska Dayniile oo xalay toogtay askari dhac ka Gaysanayay xaafada Raadeelka

booliiska   Dayniile oo  xalay  toogtay askari dhac ka Gaysanayay xaafada Raadeelka
____________________________________________________________________________

June 1/2021

Wararka ka imanaya Degmada Dayniile ee Gobolka banaadir ayaa sheegaya in Ciidamada booliiska saldhiga degmada Dayniile ay xalay xaafada Raadeelka ee degmada Dayniile ku toogtay nin xirnaa dareeska ciidanka milatariga Soomaaliya oo moobeelo ka dhacay dad shacab ah.

Wararka ayaa sheegaya in ninkan hubeesnaa oo dhoor qof ka dhacay, waxaana lagu war galiyay Ciidamada Booliiska, waxaana halkaas ka dhacay iska hor imaad kadib markii uu Diiday in uu qoriga dhigo.

Askariga ayaa galay Guri Ciidamada booliiska saldhiga booliiska Dayniile ayaa markii la tusay guriga uu galay ninkaasi waxay bilaabeen  baaritaano, waxaana daqiiqado kadib dhacday rasaas sababtay in uu geeriyoodo ninkii dhaca u geestay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post