786 Views

Kulan Sagootin ah oo Xalay Muqdisho loogu sameeyay Madaxweynayaasha Shanta dowlad Goboleed

Kulan Sagootin ah oo Xalay Muqdisho loogu sameeyay Madaxweynayaasha Shanta dowlad Goboleed
____________________________________________________________________________

May 30 2021

Waxaa Xalay Magaalada Muqdisho ka dhacday xaflad si Wayn loo soo agaasimay oo ay sameeyeen Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha kuwaas oo u qabtay xalay kulan sagootin  Madaxweynayaasha Shanta dowlad Goboleed ee Muqdisho uga qeyb galay shirkii lagu gaaray heshiiska doorashada.

Kulanka oo ka dhacay mid kamid ah Hoteelada ku yaal Magaalada Muqdisho ayaa Xubno kamid ah Midowga Musharixiinta waxaa ay sheegeen in uu ahaa mid ay ugu mahad celinayeen maadaama ay gaareen heshiis la xiriira khilaafka ka taagnaa doorashada.

Munaasabadda sagootinta oo sidoo kale ay ka qeyb galeen Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Siyaasiyiin iyo Marti sharaf kale ayaa loogu mahad celiyay Madaxda dowlad Goboleedyada, waxaana Musharixiinta ay ka dalbadeen madaxda inay fududeeyaan dhaqan gelinta heshiiska.

Sidoo kale Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay munaasabada sagootinta madaxda maamulada, ayaa adkeeyay dhaqangelinta heshiiska doorashada, isaga oo balanqaadey in ay si weyn ugu taageereyaan saxiixayaasha fulinta arrinkaas.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa sidoo kale la filayaa inay si deg-deg ah ugu laabtaan xarumahooda, si ay u billaabaaan dhaqan-gelinta heshiiska doorashooyinka ee 2021-ka

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post