510 Views

Falastiiniyiinta oo soo dhaweeyey baarayaal caalami iney qayb ka noqdaan dilka loo geystay wariye Shireen

Falastiiniyiinta oo soo dhaweeyey baarayaal caalami iney qayb ka noqdaan dilka loo geystay wariye Shireen
____________________________________________________________________________


Sabti: May 14, 2022

Mas’uul sare oo u hadlay Falastiin ayaa sheegay in maamulka Falastiin uu soo dhaweynayo ka qeyb qaadashada kooxaha caalamiga ah ee baaritaanka ku sameynaya dilka wariye Shireen Abu Aqleh.

Warbixin horudhac ah oo uu soo saaray dacwad oogaha guud ee falastiiniyiinta ayaa lagu sheegay in rasaasta Arbacadi lagu dilay weriyaha Aljazeera ay ka timid dhanka ciidamada Israel, kuwaas oo howlgal ka waday magaalada Jenin ee dhulka la heysto ee Daanta Galbeed.

Maamulka falastiiniyiinta ayaa mar sii horreysay dilka wariyaha loo geystay ku eedeeyey inay ciidamada Israel geysteen.

Dacwad oogaha wuxuu intaasi ku daray ilaa iyo hadda in aysan kala caddeyn in ay Shireen Abu Aqleh u dhimatay rasaas laga soo rdiay Israel ama Falastiin.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post