1299 Views

A-shabaab oo taliyaha ciidanka dhulka Gen. Biixi Qarax kula eegatay deegaanka Qeycad ee Mudug

A-shabaab oo taliyaha ciidanka dhulka Gen. Biixi Qarax kula eegatay deegaanka Qeycad ee Mudug
____________________________________________________________________________


Sabti: August 7, 2021

Wararka ka imanaya deegaanka Hareeridheere oo dhowaan laga saray malayshiyada Al-Shabaab ayaa sheegaya in uu qarax miino halkaasi ka dhacay.

Qaraxa ayaa lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo uu la socday taliyaha ciidanka dhulka Gen. Maxamed Tahliil Biixi, waxaana taliyaha iyo gaadiidkiisu ay ku sii jeedeen deegaanka Qeycad ee gobolka Mudug oo ay dhowaan la wareegeen ciidamada maamulka Galmudug iyo kuwa dowladda federaalka.

Inta la xaqijiyay sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda ayaa dhintay 5 kalana waa ay dhawacmeen sida ay wariyaha VOA Cabdiwaaxid Macallin Isxaaq u xaqijiyeen saraakiil ka tirsan ciidanka oo ku sugan Qeycad.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Dhulka Gen. Biixi ayaa maalmahan waday kormeero lagu xaqijinayo amniga goobihii dhawaan laga saaray Al-Shabaab.

OfFice Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post