255 Views

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kormeeray goobaha la dajiyay martida ka qeybgalaysa shirka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kormeeray goobaha la dajiyay martida ka qeybgalaysa shirka
____________________________________________________________________________

.

Isniin:  January 16 2023

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo Baydhabo u jooga furitaanka Shirka dib u Heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa kormeeray qeybo kamid ah goobaha la dajiyay  martida ka soo qeyb geleysa Shirka Dib u Heshiisiinta KGS.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo hogaaminayo Saraakiisha ciidanka nabad ilaalinta qeybta 3-aad ee ATMIS ayaa indha indheeyay isla-markaana warbixin ka dhageystay masuuliyiinta loo xilsaaray soo dhaweynta martida iyo mas’uuliyiinta qeybta ka ah wufuuda ka qeyb galeeysa Shirka dib u Heshiisiinta Koonfur Galbeed oo loogu balansan yahay inuu ka furmo 16-ka Janaayo oo ku beegan maalinta beri ah.

Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sidoo kale booqday hoolka shirka uu ka furmaayo, isagoo warbixin ka qaatay Guddiga Farsamada oo ku jira diyaar garoowgii u dambeeyay.

\Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post