1134 Views

Booliska Dalka Congo iyo dibedbaxayaal isku dhacyo ku dhex maray magaalada Kinshasa

Booliska Dalka  Congo  iyo dibedbaxayaal isku dhacyo ku dhex maray magaalada Kinshasa
____________________________________________________________________________

April 24-2021

Booliska Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo iyo dibedbaxayaal ayaa isku dhacyo ku dhex maray magaalada Kinshasha, kuwaas oo dhaliilsan dhowr weerar oo lagu soo qaaday Bariga dalkaasi.

Barasabka magaalada ayaa mamnuucay dibedbaxyada oo uu soo abaabulay siyaasiga mucaaradka ah ee Martin Fayulu.

Ugu yaraan 350 qof ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay weeraro ay sanadkan gudihiisa Bariga wadankaasi ay ka fuliyeen kooxaha mucaaradka.

Magaalada Kinshasa, booliska ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday banaanbaxayaasha oo ku baaqayay in la qaado tallaabo lagu soo afjarayo xiisad ka jirta meel u dhaw laba kun oo kilomitir.

Halkaas oo ku taal bariga dalka ballaadhan maalinba maalinta ka dambaysa iyada oo aan la helin war ku saabsan weerar jabhadeed.

Jimcihi udambeeyay waxaa la arkay 7 qof oo ay ku dileen fallaagada ADF aagga Beni ee gobolka Waqooyiga Kivu

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post