2745 Views

Akhriso:-Wararkii U Dambeeyay Ee Shirka Golaha Iskaashiga

Akhriso:-Wararkii U Dambeeyay Ee Shirka Golaha Iskaashiga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 22, 2018 —Waxaa Maalintii labaad ka socda Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Puntland shirka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada kaas oo ahaa kii Afaraad.

Shirka oo ay ka qeyb galayaan Madaxweynayaasha,Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Puntland oo martigelineysa ayaa shalay waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen Siyaasadda Arrimaha Dibadda,amniga iyo qodobo kale.

Shirka oo Maalintii labaad galay ayaa si lamid ah waxa ay Maanta uga doodi doonaan qodobadii shalay,waxana jira dood xasaasi ah oo ay yeelan doonaan Golaha maadama shirkaas Maalinta berito ah la soo gaba gabeyn doono.

Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa shalay khudbadihii ay jeediyeen waxa ay aad u dhaliileen dhamaantood Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya,iyaga oo siweyn uga hadlay tabashada ay ka qabaan.

Maalinta berito ah oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in shirkaasi la soo gaba gabeeyo,isla markaana qodobo laga soo saaro wallow ay macquul tahay in waqti dheeri ah in uu qaato

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment